Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dib uga laabta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib ku dhowaad laba toddobaad oo uu ka howlgalayey Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Muqdisho.
Wararka laga helayo xarunta Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu waanwaan ka bilaabay mooshinka Jawaari, isagoo kulamo la qaatay dhinacyada hormuudka u ah labada dhinac ee isku haya mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed C/llaahi Jawaari.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inuu socdo qorshe lagu qanciyo guddoomiye Jawaari oo ku saabsan inuu xilka banneeyo iyadoo aan loo baahan in cod lagu kala baxo, taasoo uu weli diidan yahay Jawaari.
Waxaa arrinta ku dhex jira xildhibaanno caan ah oo isaga dab qaadaya labada dhinac, waxaana arrintan keenay iyadoo xukuumadda iyo madaxtooyada ay garawsadeen in dhaawac siyaasadeed oo weyn iyo xaalad halis ku noqon karta ay ka dhalan karo haddii cod lagu kala bax.
Dadaalka waanwaan ee socda oo uu qeyb ka yahay madaxweyne Farmaajo ayaan la ogeyn inuu guuleysan doono, iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay culeys saarayaan taageerayaal culus oo la safan.