Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa nuxur la’aan ka dhigay xukuumadda cusub iyo Golaha Wasiirada ee uu soo dhisayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadib kulan uu la yeeshay Wasiirada xilka sii haya.
Kulanka oo gelinkii danbe ee Jimcaha ka dhacay madaxtooyada waxaa ka qeyb galay inta badan Golihii wasiirada ee xukuumadii hore, wuxuuna madaxweyne Farmaajo u jeediyey khudbad dheer oo ku saabsan waxqabadka xukuumaddii hore, sidii ay ku kala tageen Ra’iisal wasarihii Xasan Cali Kheyre iyo Doorashada la aadayo.
Wuxuu Madaxweynaha si cad ugu sheegay Wasiiradii hore inay intooda badan dib u soo laabanayaan, balse kuwii soo laaban waaya ay galaan olole ay ku raadsanayaan kuraasta Baarlamaanka, wuxuuna intaas ku daray in la wada aadayo olole doorasho oo xukuumadda dhan ay jiri doonto 3 bilood kaliya.
Wasiirada soo laabta ee xukuumadda cusub ka mid noqda ayuu Madaxweyne Farmaajo kula dardaarmay inay xafiisyada banneyn oo howshooda oo dhan ka dhigin doorasho, isagoo muujiyey inuusan hubin in loo dooran doono, Hadii uu soo laabtana ay wada shaqeyn doonaan, haddii kalena ay taariikh ka tegayaan, siad uu yiri.
Kulanka waxaa ku sugnaa inta badan Golaha Wasiirada xilka sii haya, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.