Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi ah ugu yeeray xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Beesha Mudullood.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu Beeshan kala hadlayo awood qeybsiga xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu magacaabay Ra’iisal wasaare cusub oo aan beeshan kasoo jeedin.
Farmaajo ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee uu taageero ugu raadinayo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre hadda la leh beesha Mudullood oo kulan Qado ah hadda uga socdo xarunta madaxtooyada.
Beeshan ayaa hore madaxweynaha u weydiisatay inuu siiyo xilka Ra’iisal wasaaraha, arrintaas oo aan dhicin, laakin waxaa muuqata inuu raadiyo taageerada beeshan.
Kulankan ayaa ka danbeeyay shir kale oo Ra’iisal wasaaraha magacaaban Xasan Cali Kheyre la yeeshay xildhibaanada Beesha Hawiye.
Kulamada ayaa dhammaantood ku saabsan kalsooni u raadinta Ra’iisal wasaaraha cusub iyo awood qeybsiga xukuumadda la dhisi doono.
Goobjooge.com