Tuesday, June 24, 2025

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo Warkii ugu cuslaa ka maqlay Cabdi Xaashi (Wadahadalkii Telefoonka)

Iyadoo uu weli socdo shirka Madaxda dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa shalay gelinkii danbe khadka Telefoonka looga qeyb geliyey Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Sida ay sheegeyso xogta aanu helnay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Teelfoonka laga soo wacay iyadoo uu markii hore la hadlay Ra’iisal wasaaraha, kadibna waxaa lagu wareejiyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, iyadoo lagu wargeliyey in arrinta Somaliland la isku raacay inay heshiis ka gaaraan Isaga iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guled Khadar.

Cabdi Xaashi oo telefoonka codka u furan yahay ayna wada maqlayaan madaxda shirka Dhuusamareeb ka qeyb galeysa ayaa aragtidiisa ka dhiibtay arrinta loo soo jeediyey, wuxuuna sheegay in khilaafka ka taagan Doorashada Somaliland aanu ahayn mid u dhaxeysa isaga iyo Mahdi Guuleed, ee dhibaatada oo dhan uuu mas’uul ka yahay Madaxweyne Farmaajo, isaguna uu yahay caqabadda jirta.

Cabdi Xaashi ayaa si kulul ugu eedeeyay Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu dalka ku wado burbur iyo qalallaaase lagu kala tegayo, wuxuuna Madaxda Soomaalida ee shirka ku sugan ugu baaqay inay dalka ka badbaadiyaan Farmaajo.

Intaas kadib ayaa lasoo gabagabeeyay telefoonkii, iyadoo loo sheegay in dib loola xiriirayo, dood dheer kadib waxaa arrinta loo saaray Guddi ka mida madaxda shirka ka qeyb galeysa oo ay ka mid yihiin Axmed Qoorqoor, Axmed Madoobe iyo Cumar Filish oo uu wehliyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo markii dambe uu aqbalay inay guddigaasi ka talo bixiyaan arrinta Somaliland, isagoo fara ku fiiqay inuusan kalsooni ku qabin Ra’iisal wasaaraha.

Weji gabaxa siyaasadeed iyo hadallada adag ee Madaxweyne Farmaajo uu ka maqlay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayey qaar ka mida madaxdii shirka ku sugnaa u sheegay inay ka tarjumeyso heerka uu gaarsiiyey xaaladda dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON