Sunday, July 13, 2025

XOG: Madaxweyne Farmajo oo Amray Cumar Filish abaabulka Shirar & dibadbaxyo ka dhan ah Musharixiinta..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee uu uga jawaabayo culeyska kasoo food saaray musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ee toddobaadkan ku shirayay magaalada Muqdisho.

Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo uu guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ku amray inuu abaabulo shirar iyo dibadbaxyo looga horjeedo musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka, laguna taageerayo dowladda iyo qorshaheeda Doorashada.

Shirarka oo uu maalgelinayo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la filayaa inay Berri degdeg uga ka bilowdaan Hoteelo ku yaalla Muqdisho, waxaana shirka ugu horeeya ka qeyb galaya Odayaasha beelaha Hawiye iyo siyaasiyiinta beeshaasi ee taabacsan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble oo qaarkood ay dhowaan kasoo muuqdeen baraha bulshada.

Qorshaha ugu horeeya ee uu doonayo Madaxweyne Farmaajo inuu uga hortegayo Musahrixiinta xilka Madaxweynaha ee ka horjeeda ayaa noqday abaabulka siyaasiyiin iyo Odayaal kasoo jeeda Beelahooda, taasoo muujineysa inuusan diyaar u ahayn tanaasul.

Dhaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa madaxweynayaashii xukunka isaga danbeeyay u adeegsadaan danahooda siyaasadeed xilli aanay caasimaddu helin wax horumarin ah ayna ka muuqdaan dhaawacyadii Roobabkii u danbeeyay u geysteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON