Monday, June 23, 2025

XOG: Maxaa C/llaahi Goodax Looga reebay musharixiinta Madaxweynaha Hirshabeelle..?

Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare oo ka mida xildhibaanada Federaalka ee sida weyn u taageersan dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa si lama filaan ah  uga haray musharaxinimada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Cllaahi Goodax oo hore u soo bandhigay inuu xilka madaxweynaha Hirshabeelle u taagan yahay, isla markaana ahaa musharax taageero ka heysta madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa markii dambe la waayay meel ay ku danbeysay musharaxnimadiisii.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegeysa in Xildhibaan C/llaahi Goodax ay madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ku qanciyeen inuu isaga haro tartanka madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana loo xilsaaray arrimaha baarlamaanka, isagoo ka mida xildhibaano dhowr ah oo dowladda u ololeynaya, isla markaana ka mid noqday xubnaha ugu dhow madaxda ugu sareysa dalka.

Ad

Tallaabaadan ayaa fursad siisay taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) inuu u ololeeyo musharaxnimada xilka madaxweynaha Hirshabeelle ee Cabdi Faarax Laqanyo, isagoo taasi ku ilaashaha labada xil ee uu isku hayo ee xildhibaannimada iyo taliyaha NISA.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON