Friday, July 11, 2025

XOG: Maxaa iska bedelay C/weli Muudey..? (Ansixinta Heshiiska Doorashada & xaalada Xildhibaanadii diidanaa)

Waxaa maanta kulan gaara yeelanaya xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, kaasoo la hor keenayo Heshiiska Doorashada 2020/2021 oo ay isla gaareen Madaxweynaha iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka.

Heshiis gaara oo ay gaareen Madaxweynaha, madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa lagu heshiiyey in Heshiiska doorashada maanta oo Sabti ah la horkeeno kulanka labada Aqal oo si gacantaag ah lagu ansixiyo.

Arrinan waxaa ka hor yimid Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey iyo xildhibaanno u badan Golaha shacabka oo u arkayey in heshiiskaasi aanu sharci ahayn, kana horjeedo heshiiskii Doorashada ee Baarlamaanku hore u ansixiyey, dhinaca kalena la sheegay inay taageersan yihiin muddo kororsi.

Shirar lagu qancinayo Mudane Muudey ayaa socday ilaa xalay, waxaana la sheegay inuu kasoo debcay mowqifkiisii hore ee diidmada ahaa, laguna qanciyey inuu tageero Heshiiska, taasoo qaboojisay cabsidii laa qabay in khilaafka guddoonka Golaha Shacabka khilaafkiisu saameyn ku yeesho ansixinta heshiiska.

Xildhibaannada heshiiska ka horjeeda ayaa la sheegay inay sii yaraadeen markii culeysyo kala duwan la saaray, waxaana tirada ku dhegan inay diidaan heshiiska lagu tilmamay in ka yar 15 xildhibaan oo ay ku jiraan Xildhibaan Cabdi Shire iyo Xildibaan Fowsiyo Xaaji.

Waxaa lagu wadaa in ‘Heshiiska Jiheynta Doorashada’ ay labada aqal goor dhow ku ansixiyaan cod aqbaliyad leh, iyadoo qoraalka Codsiga Madaxweynaha iyo Heshiiska Doorashada loo gudbiyey Guddoonka Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON