Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn la shaqeynta Ra’iisal wasaare Kheyre.
Wasiir Cabdi Faarax Juxa ayaa dhowr ay isku dhaceen Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana arrintu ka bilaabatay xil ka qaadistii xoghayihii joogtada ahaa ee Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim oo uu shaqada ka fariisiyay isagoo aan ku wargelin Wasiirka koowaad.
Mudane Juxa ayaa si cad uga hor yimid dhismaha guddiga siyaasadda Golaha wasiirada, isagoo ku dooday in shaqadii wasaaradiisa ay la wareegayaan, waxaana uu dood kulul ka dhaliyay fadhigii Golaha xukuumadda ee Khamiistii, taasoo keentay in Ra’iisal wasaare Kheyre si kulul ugu jawaabo, soona afjaro doodii uu qarxiyay Wasiir Juxa.

Golaha Wasiirada ayaa waxaa ka dhex jira Guddiyo wasiiro ah oo qaabilsan arrimaha Amniga, Dhaqaalaha. iyo Siyaasadda iyo kuwo kale, waxaana wasiiro badan ay shaki ka muujiyeen sababta uu Wasiir Juxa uga hor yimid dhismaha Guddiga Siyaasadda Golaha Wasiirada.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku riixay wasiirad aan la socon karin hogaankiisa xukuumadda inay shaqada isaga tagaan, taasoo keentay inay wasiir Juxa uu gaabsado, lamana oga tallaabada xigta ee uu qaadi doono.
Goobjooge