Sunday, July 13, 2025

XOG: Maxaa kasoo baxay kulankii labaad ee Ankara ku dhex maray Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo..?

Kulankii labaad ayaa muddo bil gudaheed ah ku dhex maray magaalada Ankara ee dalka Turkiga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Xogta laga helayo kulanka ayaa sheegay inuu daba socday kulan hore u dhex maray labada mas’uul oo July 10-keedii dhacay, kaasoo madaxweyne Farmaajo uu dalbaday, isla markaana uu qodobo dhowr ah ka codsaday Xasan Sheekh, kuwaasoo aan fulin.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayuu ku shaaciyey kulanka uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna intaas ku daray inay ka wadahadleen caqabadaha horyaalla dowladda Soomaaliya, xaalada gobolka Geeska iyo isbedelada ka dhacaya saameynta ay Soomaaliya ku yeelan karto.

Sida laga soo xigtay xubno ku dhow dhow Xildhibaan Xasan Sheekh wuxuu Madaxweyne Farmaajo hordhigay arrimo ay ka mid yihiin inuu kala shaqeeyo sidii la isugu soo dhoweyn lahaa dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo arrinta ugu muhiimsan oo ah inuusan xilligan qeyb ka noqon mucaaradka dowladda kasoo horjeeda.

Xasan Sheekh ayaa kulankii hore saaxiibadiis u sheegay inuusan ogolaan codsiyada uga yimid Madaxweyne Farmaajo, balse uu ka dhageystay, isagoo kaliya diiday in dib loo soo celiyo xiriirkii ay lahaayeen Xasan Sheekh iyo Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Fahad Yaasiin.

Xasan Sheekh ayaa gacansaar hadda la leh isbaheysi afar xisbi ka kooban, iyadoo lagu waday inuu Muqdisho yimaado si loogu caleemo saaro hoggaamiyaha mucaaradka una shaqo bilaabo caasimadda, taasoo ay dad badan ka horjeesteen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON