Waxaa Bamka loo adeegsaday Qaraxii Soope lagu qiyaasay 500 -2000 kgr (laba tan), kaasoo la mida Bamkii loo adeegsaday qarixii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi 1998-dii, oo lagu dilay 213 Qof.
Khabiirka Matt Bryden ayaa sheegay in qaraxyaddii hore ee Muqdisho loo adeegan jiray Bam culeys 800 ilaa 1000 Kg, Qasaarahooduna ka yaqaan kii Sabtidii ka dhacay Km5 Mudisho, kaasoo guryo aad uga fog goobta qaraxa sababay inay dariirashadihii ka daataan.
Xogta laga ururiyay goobta qaraxa ka dhacay ayaa sheegeysa in Qaraxa uu ka koobnaa mid gacan ku sameys ah iyo waxyaabaha qarxa ee qalabka milateri, iyadoo Alshabaab aysan sameyn karin qarax sidaas u weyn iyadoo aan u adeegsan qarxiyeyaasha guri ku smeyska ah.
Sababta uu qaraxa u xoog batay ayaa ah iyadoo si weyn loo soo buuxiyay Gaariga weyn ee TM-ka ah oo loo adeegsaday, isla markaana laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa oo fara badan kuwaasoo Alshabaab ay ka heshay xerooyinka ay ka qabsatay ciidamada AMISOM oo ay ka mid yihiin Bambooyin, Rasaasta madaafiicda, Taangiyada iyo biro.
Hay’adaha dembi baarista Mareykanka iyo kuwa reer Galbeedka ayaa ku soo biiray baaritaanka qaraxii Muqdisho iyagoo goobta ka qaaday cadad baaritaan dheeraad ah lagu sameynayo, waxaana baaritaanka la sheegay inuu qaadan doono muddo.
Goobjooge