Thursday, June 26, 2025

XOG: Mukhtaar Roobow oo diiday inuu ku biiro Dowladda Soomaaliya [Akhriso Qorshihiisa]

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Alshabaab Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo dhowaan isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe cusub.

Qorshaha Sheekh Roobow oo uu la wadaagay siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa ku saabsan inuu sameysto koox cusub oo la dagaalanta Alshabaab, isla markaana ay dowladda iyo beesha caalamka ku taageeraan.

Xogta laga helay wadahadalka u socda dowladda Soomaaliya iyo Sheekha ayaa la sheegay inay is mari waa’ gaareen arrinta ku saabsan waxa laga yeelayo ciidamada taabacsan Sheekha ee ku sugan Gobolka Bakool.

Sheekh Roobow ayaa wata inuu noqdo koox iskeed u taagan oo la dagaalanta Alshabaab, kana saarta marxaladda hore Gobollada Bay iyo Bakool, taasoo uu doonayo in taageero milateri lagu siiyo, halka dowladda Soomaaliya u soo bandhigtay in maleeshiyadiisa oo u badan kuwo beeleed  la qarameeyo oo lagu biiriyo ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wasiirka koowaad Xasan Cali Kheyre ayaan weli wax go’aan ah ka qaadan arrinta Sheekh Roobow, waxaana la sheegay inay la kulmayaan madaxeynaha Koonfur Galbeed si arrintiisa go’aan looga qaato.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in kooxda cusub ee Sheekh Mukhtaar Roobow dooneyso inuu dhiso ay caqabad kale ku noqrto mustaqbalka dowladda Soomaaliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON