Muranka ka taagan deeqaha magaca Soomaaliya lagu siiyo maamulka Somaliland ayaa yeeshay weji qabiil, iyadoo xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland ee ku aqalka sare oo ka digay in arrintan ay cawaaqib xumo keeni karto.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka oo kasoo jeeda Somaliland ay diyaarinayaan qoraal ay u kala diraan beesha caalamka iyo dowladda Federaalka, kadib markii ay ka caroodeen qoraal ay soo saareen madaxda maamul Goboleedyada oo wasiirka Qorsheynta ku taageeray go’aankii uu uga hor yimid in la cusbooneysiiyo nidaamkii gaarka ahaa ee Somaliland loogu qoondeyn jiray deeqaha ‘Special Arrangments’.
Siyaasiyiin iyo xildhibaanno ayaa ka digay in tallaaooyinka ka dhanka ah maamulka Somaliland iyo hab-dhaqanka xukuumadda Soomaaliya uu keeni karto inay sii fogaato Somaliland, isla markaana ay arrintaasi saameyn ku yeelato xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda Somaliland.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in cadaadis weyn saaran yahay xildhibannada beelaha Waqooyiga Soomaaliya, iyadoo loo arko tallaabada dowladda Federaalka qaaday inay gadaal ka riixeyso Puntland oo colaad kala dhaxeyso Somaliland.