Monday, June 23, 2025

XOG: Musharaxa Xukuumadda oo Qarka u saaran inuu ku Guuleysto Guddoomiyaha Baarlamaanka & Codad cusub oo…

Xogta laga helayo xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay ka socoto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaysa in wasiirkii hore ee Gaashaanshigga Maxamed Mursal Sheekh uu qarka u saaran yahay inuu xilka ku soo baxo.

Arrintan ayaa ka danbeysay wadahadal iyo heshiisyo lala galay musharixiin tanaasulay sida C/casiis Lafta-gareen iyo Shariif Maxamed Cabdalla, waxaana lagu wadaa inuu codadka ugu badan helo musharaxa xukuumadda ay taageereyso ee Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Wararka ayaa sheegaya in musharaxa mucaaradka iyo maamullada Puntland, K/Galbeed iyo Jubbaland ku midoobeen sidoo kalena ay taageerayaan kooxda Qabyo uu heysto codad ku dhow 100, basle aanu gaari doonin guusha.

Wareegga saddexaad ayaa lagu kala baxayaa cod hal dheeri ah, iyadoo wareegii labaad laga soo gudbay markii ay tartanka ka baxeen labadii musharax ee kale, waxaana hadda la sugayaa in guddoomiye Baarlamaan uu noqdo musharaxa ay wadato xukuumadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON