Isbedel siyaasadeed la yaab leh ayaa ka dhacay doorashada Soomaaliya kadib markii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu magacaabay Ra’iisal wasaare cusub.
Mushariixintii u ololeynayay isbedelka ee sida wey uga horjeeday dib u doorashada Xasan Sheekh ayaa intooda badan siiba kuwii xildhibaanada ahaa ay ka hor yimaadeen magacaabidda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Musharixiinta xildhibaanada ah ee codkooda ku taageeray doorashadii Farmaajo ayaa hadda isu bedelay qaar gaabsaday iyo qaar si cad uga hor yimid madaxeyne Farmaajo iyagoo ku eedeynaya inuu ballamo hore uga baxay.
Mushara Xildhibaan Caddow Cali Gees ayaa si cad u diiday magacaabidda Ra’iisal wsaaraha cusub, halka Axmed Macalin Fiqi uu ka gaabsaday arrinta una dhoofay magaalada Nairobi, isagoo filayay in loo magacaabo xilkan. Waxaa kaloo ka jor yimid Musharax xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali.
Kulan ay musharixiintii isbedeldoonka intooda badan isugu yimaadeen kadib magacaabidii Ra’iisal wasaare Kheyre ayay uga hadleen xaaladda cusub iyo balanqaadyadii Farmaajo, kulankaas oo la isku mari waayay. Xildhibaanada hore u taageersanaa Farmaajo ayaa intooda badan ka baaqsaday shirkii maanta Ra’iisal wasaare Kheyre la yeeshay xildhibaanada Beesha Hawiye.
Dhinaca kale waxaa arrin la yaab leh noqotay in xildhibaanada Damujadii ee taageersanaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ay si buuxda u taageereen isla markaana olole ugu jiraan in la ansixiyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge.com