Thursday, April 18, 2024

XOG: Muuse Suudi oo kashifay sida Mahad Salaad Beeshiisa ugu wareejiyey xilalkii Hay’adda NISA

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa si kulul uga hadlay Sharciga Hay’adda Nabadsugidda Sirdoonka ee NISA iyo sida Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ula wareegay xilalkii hay’adda.

Senator Muuse Muuse oo ka hadlay fadhigii Aqalka Sare ayaa sheegay in Hay’adda NISA loo gacan geliyay Agaasimaha, kaaliyeyaasha uu isagu magacaabayo, isla markaana awoodda oo dhan uu isagu leeyahay.

“Taliye Mahad Salaad waxa uu xilalka NISA u qoray Hal Beel oo kaliya, Umadda kale waxa uu u reebay idinka ayaa og awooda oo dhan isaga ayaa leh, Xilalka ugu Muhiimsan hey’dda NISA, Dekadda Mahad Salaad ayaa leh, Garoonka isagaa leh, Maaliyada isagaa leh, hogaanka Ciidanka isagaa leh,Hogaanka tababarada isagaa leh, hogaanka Gobolada dhaamantood isagaa leh, Hogaanka Sirdoonka isagaa leh.. wuxuu umadda kale u reebay idinkaa og” ayuu yiri Senator Muuse Suudi.

Ad

“Anigu waa idin soo gaarsiyey, haddaad rabtan gacanta la booda,.. anigu waa idinsoo gaarsiiyey” Ayuu si kulul u yiri Muuse Suudi oo ka mid ahaa 3 senator oo diidmo ugu codeeyay Xeerka NISA.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON