Friday, June 27, 2025

XOG: Muxuu Madaxweyne Farmajo uga noqday taageerada musharaxa Madaxweynaha Galmudug ee Cabdi Dheere?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilligii ugu danbeeyay ka tanaasulay musharax uu watay oo uu doonayey inuu madaxweyne ka noqdo Maamulka Galmudug, kadib markii kooxda N&N ay isku qabteen cidda ay taageeradooda siinayaan doorashada soo socota ee Galmudug.

Musharaxa Cabdi Cabdullaahi Axmed (Cabdi Dheere)  oo in muddo ah taageero ka heystay Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyn noqday musharax iskiis u taagan, waxaana ololihiisa waday xubno awoodooda sii xoogasaneyso oo qaraabo la ah madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo hore uga danbeeyay magacaabidda xilal uu magacaabay madaxweynaha.

Xubnaha waaweyn ee u dhow madaxweynaha sida Ra’iisal wasaaraha iyo Taliyaha NISA ayaa madaxweynaha ku qasbay inuu taageero musharaxa Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo saaxiibo dhow la ahaa Ra’iisal wasaaraha, taasoo keenay in kulamo dhaadheer ay galaan madaxda dowladda, waxaana markii danbe la go’aamiyey in musharaxa rasmiga ah ee madaxda dowladda uu noqdo Mudane QoorQoor.

Loolan adag ayaa Doorashada Madaxweynaha Galmudug kasoo wajihi doona Mushraxa dowladda Somalia, waxaana laga cabsi qabaa inuu xilkaasi kus oo baxo musharaxa xisbiga UPD ee C/raxmaan Odowaa, inkastoo tartanka noqon doono mid adag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON