Thursday, July 31, 2025

XOG: Qaar ka mida xildhibannadii saxiixay Mooshinkii Madaxweyne Farmaajo oo ka laabtay [Akhriso]

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka ee saxiixay Mooshinka madaxweynaha Soomaaliya laga diyaarinayo ayaa la sheegay inay  ka baxeen kadib markii wadahadal lala yeeshay.

Xogta ay heshay Goobjooge ayaa sheegeysa in xildhibaanada ka baxay mooshinka madaxweyne ee “Impeachment” ay sare u dhaafeen 20 xildhibaan, waxaana taageerayaasha madaxweynaha ay xildhibaannadaasi la kulansiiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Mooshinkan oo saxiixiisa uu ka socdo Muqdisho ayaa waxaa ka dambeeya siyaasiyiin mucaarad ah iyo xildhibaanno, isla markaana ay kharash ku bixinayaan kooxdii Qabyo ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaha dagaal siyaasadeed oo si qarsoodi ay u wadaan koox taabcsan Villa Somalia.

Xildhibaannada ka baxay Mooshinka ayaa la sheegay inay arrimo shaqsiyadeed ka cabanayeen iyadoo la xaliyay kadib kulamo kala gaara oo ay la qaateen madaxweyne Farmaajo, waxaana hadda sii yaraanaya suuragalnimada in Mooshinkan loo helo kooram ku filan inta aanu Baarlamaanku gelin fasaxa oo ku beegan 16-ka Bishan Disembar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON