Qaraxii weynaa ee 14-kii bishan Oktoobar ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid la siyaasadeeyay iyadoo dowladda Federaalka aanay wax war ah kasoo saarin baaritaankii socday muddo ku dhow laba toddobaad.
Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan hay’adaha ammaanka dalka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa loola dan lahaa xarumo dhowr ah oo lagu soo daray saldhigga Turkiga dhowaan ka furay magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa lagu sheegay mid jihada looga weecinayo baaritaankii ku socday qaraxa, iyadoo marka la eego socodka gaariga weyn ee qarxay aanay jahadiisu ahayn saldhigga Turkiga, kuna socday gudaha magaalada, isagoo kasoo gudbay suuragalnimada inuu ku socday saldhigga Turkiga.
Saraakiisha ammaanka ayaa qaarkood saxaafadda reer Galbeedka u sheegay in gaarigu ku socday Xarunta xalane iyo Garoonka diyaaradaha, halka qaar kale ay qabaan inuu ku socday Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya oo aad ugu dhoweyd goobta uu ku qarxay.
Intii ay soo baxday saadaasha ah inuu Gaariga qaraxa siday ku socday Saldhigga Turkiga ee Muqdisho waxaa dib u dhac weyn ku yimid baaritaankii kiiskan iyo warkii la filayay inay kasoo saaraan hay’adaha ammaanka, iyadoo xaaladu hadda isu bedeshay in arrinta lagad dhigo mid siyaasadeed oo u dhaxeysa Imaaraadka iyo Turkiga.
Wasiirka Amniga ayaa dhowaan sheegay inay soo bandhigi doonaan baaritaanka qaraxii Muqdisho, taasoo aan weli suuragelin, waxaana hore balanqaadkan oo kale u sameeyay wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya.
Goobjooge