Sunday, June 22, 2025

XOG: Qiimaha lagu iibiyey dhismaha Safaaradda Somalia ee Washington & Cidda laga iibsaday oo la shaaciyey

Dowladda Somaliya ayaa markii ugu horeysay in muddo ah waxay dhisme u iibisay Safaaradda Somalia ee dalka Mareykanka oo ku taalla magaalada Washington, kadib markii ay safaaradaasi muddo ku shaqeyneysay dhisme kiro ah.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa shaaciyey in dhismaha xalay xariga laga jaray ee loo iibiyey safaaradda Soomaalida ee Washington uu ku kacay 4.3 Milyan oo Doolar (Afar Milyan, saddex boqol kun doolar), waxaana laga iibiyey dowladda Clombia oo hore u lahayd.

Safaaraddan ayaa ku taalla deganka Wyoming, waxaana hadda u guurtay oo ku shaqeyn doono safaaradda Soomaalida oo dhowaan safiir cusub loo magacaabay, waxaana dad badan ay dood ka kaaneen lacagta malaayiinta ah ee dhismaha safaaradda laga bixiyey.

Ad

“Waxaan u mahad celinayaa Golaha Wasiirada oo Ra’iisal wasaaraha ugu horeeyo oo hantida umadda u beekhaamiyeen oo suurageliyey in dhismahan dowladdan ay noo iibsiso oo an ku yeelano hanti ma-guurto ah…..” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey xafladii xariga looga jaray dhismahan cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON