Tuesday, June 24, 2025

XOG: Qodobadda ugu Culus ee hareeyay Shirka Doorashada iyo Wararkii ugu dambeeyay…

Waxaa maalintii saddexaad maanta galay shirka Qaran ee Wadatashiga Doorashooyinka ee ka socda Xarunta Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay albaabadda u xiran yihiin ayaa waxaa ka qeyb galaya: Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta, madaxweynayaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana xogta laga helayo ay sheegeysaa inaan weli heshiis laga gaarin qodobadda ugu muhiimsanaa ee la isku hayey.

Madaxda shirka ka qeyb galeysa ayaa la sheegay inay shalay ka doodeen arrinta Somaliland iyo degaan Doorashada, iyadoo siyaasiyiinta Somaliland laga sugayo inay xal u helaan khilaafka u dhaxeeya, kaasoo hada ah kan ugu adag ee horyaalla shirka doorashada.

Arrimaha degaan Doorashada oo ay ka mid tahay khilaafkii Gobolka Gedo ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, waxaana si weyn suuqa loo soo geliyey inuu jiro rabitaan ah in magaalooyinka lagu qabanayo Doorashada lagu soo koobo hal magaalo.

Shirka oo lagu waday inuu maanta soo gabagaboobo ayaa laga yaabaa inuu maalmo kale uu qaato, ayna ugu wacan tahay shirka oo la doonayo in laga soo saaro heshiis ay wada saxiixaan dhinacyada shirsan.

Is-afgaradka laga gaaro qodobadda qaarkood ayaa u baahan go’aan adag oo ah in dib loogu noqdo heshiiskii 17-ka September oo wax ka bedel lagu sameeyo, taasoo noqoneysa arrin aad u adag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON