Thursday, June 26, 2025

XOG: Qodobbo Culus oo la isku hayo & Waanwaantii Madaxda Galmudug oo hakad gashay

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu culeys iyo hakad soo wajahay waanwaan laga dhex waday madaxda sare ee maamulka Galmudug.

Arrintan ayaa soo baxday kadib markii xalay labada dhinac is hor fariisteen, isla markaana  lag dhowaaday in heshiis hordhac ah laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in labada dhinac ay xalay isla qaateen qodobbo ay ka mid yihiin:

1- In la joojiyo mooshinada kala duwan oo ee laba dhinac ay kala wadaan.

2- In ciidamada dowladda iyo maleeshiyooyinka laga saaro Magaalada

3- In Baarlamaanka kulan yeesho oo la  caddeeyo inuusan jirin xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxweyne Xaaf

Qodobaddan oo la filayay in saxaafadda loo soo bandhigo si wadajir ah, ayaa hakad soo galay kadib markii dhinaca Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka ay soo jeediyeen intaan wax heshiis ah la shaacin in madaxweyne Xaaf uu ku dhawaaqo inuu ka noqday go’aankii uu ku taageeray Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa qaadatay dood kale, iyadoo markii danbe loo baahday in ay magaalada Cadaado tagaan xildhibaano kale oo ka tirsan labada aqal, kuwaasoo taageersan madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, iyadoo la ogyahay in xildhibaannada shalay gaaray Cadaado ay u badan yihiin dhinaca taageersan Madaxweyne Xaaf.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON