Tuesday, July 1, 2025

XOG: Qodobka ugu adag ee Horyaalla Shirka Golaha Watashiga Qaran ee Muqdisho

Waxaa maalintii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Muqdisho oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkan oo kusoo beegmay xilli uu khilaaf aan xal lahayn gaaray xiriirka Farmaajo iyo Rooble ayaa waxaa horyaalla ajendayaal muhiim ah oo ku saabsan jiheynta Doorashada Dadban, waxaana qodobka ugu adag uu yahay ‘AMNIGA’ oo mar kale halistiisa ay soo baxday kadib isku daygii Farmaajo ee 27 Disember 2021 oo ahaa shaqo ka joojin.

Rooble ayaa ku dhawaaqay inay isaga hoos yimaadaan hay’adaha Amniga, isla markaana uu tallaabo ka qaadi dojono ciddii ka amar qaadata madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, sida uu yiri.

Golaha Wadatashiga ayaa laga rabaa inay Amniga u xilsaaraan Ra’iisal wasaaraha ayna taageeraan go’aankiisa, si looga badbaado tallaabo kale oo ka timaada Farmaajo, laakiin waxaa arrintaasi ka horjeeda laba ka mida madaxda maamul Goboleedyada dalka oo gacansaar la leh Farmaajo.

Shirka maanta ayaa Golaha Wadatashiga la kulmayaan wakiilada Beesha caalamka, bulshada rayidka, iyo guddi ka socda haweenka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON