Sunday, July 13, 2025

XOG: Qorshe ay wadaan Guddiga Doorashada lagu muransan yahay oo la ogaaday iyo abaabul ka socda…

Guddiga Doorashada lagu muransan yahay ee Heer federaal oo shalay isk dhex magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen ayaa la sheegay inay wadaan qorshe ay doorasho degdeg ku qabanayaan qaar ka mida maamul Goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo oo amray in la dardargeliyo doorashada, siiba tan aqalka sare oo lagu qabto ilaa saddex maamul Goboleed inta aysan dhammaan bishan Disembar, waxaana Guddiga la filayaa inay soo saaraan jadwal cusub oo ku saabsan Doorashada 2020/2021, kaasoo loogu hormarinayo Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ee Guddiga Doorashada ee taageersan Madaxweyne Farmaajo wadaan ayaa la sheegay in ugu horeyn lagu qaban doon maamul Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, iyadoo sidoo kale Muqdisho lagu qabanayo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee kasoo jeeda Somaliland; si arrintas loo dhaqaajiyana ay Madaxtooyada Soomaaliya dardar gelineyso shaqada Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada.

Arrintan ayaa u muuqata inuu Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadiisa iska dhega tirayaan khilaafka ka taagan Doorashada, maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo aan qeyb ka ahayn iyo diidmada musharixiinta xilka Madaxweynaha.

Magaalada Beledweyne oo xaaladeed kacsan tahay ayaan la ogeyn sida doorasho uga dhici karto, waxaa kaloo abaabul ka socdaa magaalada Dhuusamareeb kaasoo lagu diidan yahay doorasho aan lagu heshiin inay halkaasi ka dhacdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON