Wednesday, June 25, 2025

XOG: Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo dhexdhexaadinaya Somaliya & Imaaraadka [Kheyre oo tegaya Abu Dhabi]

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la sheegay inuu dhexdhexaadin ka dhex wado dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriirkooda diblomaasi uu gaarey heerkii ugu hooseeyay.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Xasaradaha Adduunka ee ICG waxaa labada dal isaga dab qaaday Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dhowaan booqday Imaaraadka, kadibna Dhaxalsugaya Imaaraadka uu booqday Itoobiya, waxayna  wararku intaas ku dareen in labada dhinac ay ogolaadeen inay si toos ah u wadahadlaan oo xal u helaan arrimaha dhex yaalla.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu dhowaan booqdo dalka Imaaraadka Carabta, halkaasoo madaxda dalkaasi ay ka wadahadli doonaan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda diblomaasiyadeed ee dhex taalla labada dal.

Khilaafka labada dal ayaa salka ku haya xaaladda Khaliijka iyo isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka horjeeda dalka Qatar, waxaana dowladda Soomaaliya lagu sheegay inay u janjeero dhinaca dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON