Friday, June 27, 2025

XOG: Ra’iisal wasaaraha oo laba Qodob oo adag hordhigay xildhibaanada Beelaha Soomaalida [Akhriso]

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo kulamo is daba joog ah al yeeshay xildhibaanada Baarlamaanka aya hor dhigay laba qodob oo ku saabsan magacaabista Golaha Wasiirada.

Xildhibaanada oo si beel beel ah kulamo ula qaatay Ra’iial wasaaraha ayaa beel waliba waxay xildhibaanadeeda dalbadeen tiro wasiiro muhiim ah iyo xilal dheeraad ah.

Shirarka dhex maray xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha kala duwan iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay inuu Xasan Cali Kheyre hordhigay qodobbo adag oo keenay inay raacaan rabitaankiisa. Laba qodob ee uu  ka dalbaday xildhibaanada ayaa kala ah:

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

1 – In xildhibaanada Beel waliba ay u keenaan liiska musharixiin ay isku raacsan yihiin oo uu ka soo dhex xusho Golaha wasiirada.

2- Ama in ay u madax banneeyaan inuu ciddii uu doono ka dhex magacaabo beesha, kuna taageeraan.

Labadan Qodob ee adag ayaa xildhibaanada beelaha ku adkaaday, iyagoo si cad ugu sheegay inaysan dhici karin in la isku raaco musharixiinta, waxayna arrintani keentay inuu ka codsado taageerada ciddii uu magacaabo.

Tirada Golaha wasiirada ayaa la sheegay in lagu saleeyay 20 wasiir, waxaana Golaha wasiirada cusub la filayaa inuu gaaro 50 xubnood.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON