Fowdo iyo qas maamul ayaa hareeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya intii uu ku-simaha xilka sii haya madaxweyne Farmaajo magacaabay Mahdi Maxame Guuleed, taasoo keenay in si boobsiis ah xilal loo magacaabo, heshiisyo iyo sharciyo badana la mariyo.
In ku dhow muddo laba bilood ah ayaa waxaa socday howlo sharci darro lagu tilmaamay oo isugu jiray xil ka qaadis, magacaabis iyo qoris shaqo oo ay ku lug yeesheen Madaxda Sare ee dalka, waxaana ka faa’iideystay qaar ka mida wasiiradii xilalka sii hayey oo iska bedelay agaasimeyaashii guud ee wasaaradahooda, isla markaana magacaabay xilal muhiim ah.
Wasiirada xilka sii hayey ee ku dhiiraday arrintan waxaa ka mida wasiirada saaxiibada la ah Madaxweyne Farmaajo, sida sii-hayaha Wasiirka Qorsheyna iyo Maalgashiga Jamaal Maxamed Xasan oo ku dhaqaaqay 10-kii September 2020 tallaabo uu ku baabi’iyey xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradiisa, C/qaadir Maxamed aadan una magacaabay agaasime cusub, kadibna isbedellada uu sameeyay Waxaa ugu muhiimsan inuu horraantii Septembar 2020 Wasiir Jamaal u magacaabay Siciid Maxamed Axmed agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradiisa.
Waxaa kaloo tallaabadan oo kale qaaday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo isna agaasimaha cusub ee wasaaradiisa u magacabay Cabdullaahi Maxamed Cali, xilkiina ka qaaday Agaasimaha guud ee hore Cabdullaahi Jibriil Cali horaantii Ogost 2020.
Wareegto uu maanta soo saaray Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble (Ka Akhriso halkan) ayuu wasiirada xilka haya ku armay inaysan wax go’aan ah gaari karin iyagoo aan la tashan Ra’iisal wasaaraha, waxayna ku wajahan tahay wasiiradii xukuumadii hore iyagoo xilka sii haya isbedello sameeyay iyo qaar kale oo laga war helay inay ku howan yihiin arrimo noocan oo kale ah.
Arrinta yaabka leh ayaa ah in inta badan wasirada saxaiibad la ah Madaxweynaha ay kusoo laaban doonaan xilalkooda sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo, waxayna arrintan caddeyn u noqon doontaa awoodda Ra’iisal wasaaraha cusub iyo sida uu u maareeyo wasiiradii Xukuumadii Xasan Cali Kheyre.