Sunday, June 29, 2025

XOG: Sacuudiga & Imaaraadka oo Qorshe Culus ku furay Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga ayaa qaaday tallaabooyin ay siyaasad ahaan cadaadis ku saarayaan madaxweynaha Soomaaliya.

Labada dal ayaa iska kaashanaya sidii ay cadaadis ugu saari lahaayeen Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xiriirka u jaro dowladda Qatar oo khilaaf kala dhaxeeyo, taasoo uu hore u diiday Farmaajo.

Tallabaadii koowaad ee cadaadiska lagu saarayo Madaxweyne Farmaajo ayaa noqotay in dowladahaasi ay xiriir toos ah la sameeyaan maamul Goboleedyada, waxaana markii ugu horeysay uu Sucuudigu si toos ah ula xiriiray maamul Goboleedyada.

Viisayaal cumro ayuu Sacuudigu siiyay maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana madaxda maamulaadasi iyo xubno la socda ay u cumro tageen Sacuudiga.

Dhinaca kale Imaaraadka ayaa qorsheynaya in maamul Goboleedyada Soomaaliya uu mid waliba iskiis ugu dhawaaqo inuu la safan yahay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, sida ay ku dhaqaaqday Somaliland, haddii aanu madaxweyne Farmaajo u soo debcin cadaadiska lagu hayo.

Imaaraadka ayaa la sheegay inuu qorshaha ugu weyn wado isagoo ku hanjabay xayiraad uu saaro ganacsiga Soomaaliya, taasoo cabsi ku heysa ganacsatada Soomaalida ee Imaaraadka ku sugan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON