Saturday, June 28, 2025

XOG: Saddexdii Qorshe ee Farmaajo laga fashiliyey kulankii uu Maanta ku hortegay Baarlamaanka..

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Musal Sheekh ayaa ka qeyb qaatay in la fashiliyo Qorshihii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo kooxdiisa ka lahayeen kulankii maanta ee la isugu yeray labada Aqal.

Kulanka ayaa in ka badan 5 saacadood kadib furmay, iyadoo hore loo sheegay inuu furmayo 9:00 subaxnimo, waxaana xilligaasi ka hore shir iyo dood yeeshay Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaannada sida weyn uga horjeeda Madaxweynaha, kaasoo la iskula meel dhigay sida uu kulanka u dhacayo.

Qorshihii Madaxtooyada Soomaaliya ee ahaa inaysan saxaafadda goobjoog ka noqon, kulankuna noqdo mid xiran ayaa fashilay markii guddoonka Baarlamaanka uu ku raacay xildhibaanada ka horjeeda madaxweynaha, waxaana sidoo kale la isku waafaqay inaysan kulanka qeyb ka noqon Aqalka Sare oo laga saaro senatoorada kulanka ku sugan, taasoo uu fuliyey Guddoomiye Mursa.

Qodobka kale ee ugu muhiimsan ayaa ahaa inuu kulanka ku koobnaado ajendaha khudbad jeedinta oo aan lagu soo qaadin muddo kordhin iyo arrin kale, taasoo iyadana la iskua waafaqay; waxayna dhamaan arrimahan meesha ka saareen qaabkii ay Madaxtooyada dooneysay inuu kulanka maanta u dhaco.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta ku dhaqaaqay tallaabooyin uu uga hor yimid tabitaankii madaxweynaha oo hore u casuumay kulan labada Aqal yeelanayaan, waxaana ilaa xalay socday abaabulka Senatoorada taageersan madaxweynaha oo shirka goor hore iska xaadiriyey.

Xildhibanno badan ayaa sheegay in Qorshihii uu ku talogalay Madaxweyne Farmaajo uu la noqday markii xaaladu isbedeshay, lagana filayey go’aan adag iyo inuu tallaabo ku dhaqaaqo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON