Tuesday, July 1, 2025

XOG: Shariif Xasan oo diiday inuu u tartamo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday waanwaan lagu doonayay inuu ka tanaasulo tartanka xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shariifka  oo socdaalkiisii saddexaad ku tegay Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu qancinayay waxaa ka mida ahaa:

  • Inuu ka tanaasulo musharaxnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
  • Inuu isu sharxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
  • Ama inuu keesado qofkoo noqon lahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka

Arrimahan oo dhan ayaa la sheegay inuu Shariifka ku gacan seyray, isla markaana uu ku taagan yahay inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya wax kastoo dhaca.

Wararkii ugu danbeeyay ee ololaha doorashada ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu diiday isbaheysi uu la galo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay garwadeen ka ahayd Itoobiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON