Madaxweynaha maamul Goboleedka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa diiday inuu taageero musharaxa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ay wataan Madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya.
Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dadaallo lagu doonayay inuu tageero musharax Maxamed Mursal oo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka u sharaxan socon waayeen kadib dhowr kulan oo ay la yeesheen Ra’iisal wasaaraha, agaasimaha madaxtooyada iyo xubnaha xukuumadda Soomaaliya ee wada ololaha doorashada.
Xogta la helayo ayaa sheegaya in Shariif Xasan iyo isbaheysi la socda ay taageerayaan musharax Ibraahim Yarow Maxamed oo la filayo inuu loolan adag la galo musharaxa dowladdu wadato ee ah wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal C/raxmaan.