Friday, July 4, 2025

XOG: Sheekh Shariif oo hoggaamiye looga dhigayo Madasha Mucaaradka & Xasan Sheekh oo u tanaasulay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamin doona Madasha Isbaheysiga xisbiyadda iyo siyaasiyiinta mucaaradka dowladda Soomaaliya oo ah madal in muddo ah qorshaheeda laga wada magaalada Muqdisho.

Hoggaanka madasha cusub ayaa qaatay muddo in la isku raaco, waxaana lagu dhisay qaabka 4.5, taasoo keentay in labadii madaxweyne ee hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay isu soo sharxaan guddoomiyaha Madashana oo ay ku midoobayaan xisbiyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana markii danbe xilka Guddoomiyaha la isku raacay inuu qabto Shariif Sheekh Axmed markii uu tanaasulay Xasan Sheekh.

Ujeedka Madasha mucaaradka ayaa ah inay u howl gasho sidii loo xaqiijin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka dhacda, iyadoo loolan la galeysa dowladda Federaalka, isla markaana sanadka ka haray xilka Madaxweyne Farmaajo tartan siyaasadeed adag la geli doonta, waxaana lagu wadaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo todoobaadkan.

Magaca Madashan oo hore loo sheegay inuu noqon doono Madasha Xisbiyada Qaran ayaan la ogeyn in wax laga bedeli doono iyo in kale, iyadoo hore loogu magacaabay afhayeen kaliya oo tan iyo intii lagu dhawaaqay aan wax howl ah qaban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON