Sunday, July 13, 2025

XOG: Sheekh Shariif oo kala wareegay Cumar C/rashiid ololihii Doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya [Akhri Sababta]

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne oo doonaya in dib loo doorto ayaa noqday musharaxa ugu weyn ee wada ololaha doorashada madaxweynaha.

Shariif Sheekh Axmed ayaa isbaheysiyo iyo heshiisyo hoose la galay inta badan hogaamiyeyaasha, madaxda maamulada Gobollada iyo musharixiinta ka soo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna dhowaan is afgarad la gaaray xubno ay ka mid yihiin:

  • Axmed Maxamed Islaam – Madaxweynaha Jubbaland
  • Cali C/llaahi Cosoble -Madaxweynaha Hirshabeelle
  • Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke -Mushara madaxweyne
  • C/qaadir Cosoble Cali -Musharax madaxweyne
  • Maxamed Nuur Tarsan -Musharax madaxweyne
  • C/raxmaan Faroole  – Musharax madaxweyne

Sheekh Shariif  ayaa hadda kala wareegay Cumar C/rashiid musharaxa ugu ololaha badan musharixiinta xilka madaxweynaha, kaasoo hadda u muuqda inuu hoos u dhacay orodkii uu ku jiray, isagoo ku qancay in xilka uu hadda hayo uu ka qabto dowladda soo socota, inkastoo uu musharax sii ahaan doono.

Shariif Sheekh Axmed oo doorashadii 2012 uu ka guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligaasi lagu eedeeyay waxqabad la’aan iyo musuqmaasuq, taasoo hadda u muuqata in la iloobay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON