Sunday, June 22, 2025

XOG: Sheekh Shariif oo noqday musharaxa ay wadato Imaaraadka [Warbixin Socdaalkiisii ugu danbeeyay]

Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxa rasmiga ah ee ay wadato dowladda Imaaraadk Carabta ee loo rabo inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii Imaaraadka uu si aan la fileyn xiriirkii ugu jaray musharaxa kale ee Cumar C/rashiid iyagoo u sheegay inuu taageero Sheekh Shariif, taasoo keentay in ololihii Cumar C/rashiid oo xowli ku socday xiligii hore uu si weyn hoos ugu dhaco.

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd, isla markaana xiriir dhow la lahaa Imaraadka oo hore u siiyay Guri iyo dhaqaale ayaa iminka si toos ah taageeradooda u weeciyay Shariifka oo socdaalkiisii ugu danbeeyay xalay ku gaaray dalkaasi.

Ad

Wararka laga helayo magaalada Dubai ayaa sheegaya in Shariifka uu dhaqaale uu ku galo doorashada ka rajeynayo Imaaraadka, waxaana sidoo kale uu halkaasi sidoo kale kulamo kula yeelan doonaa ganacsato taageerta.

Ololaha doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa toddobaadkan galaya marxaladiisii ugu adkeyd kadib markii ay maanta soo gabagabowdo diiwaangelinta musharxiiinta u taagan jagadaasi.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON