Shirar is dabajoog ah ayaa galabta iyo caawa ka socda xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kadib go’aankii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ka qaatay Guddiga Maaliyadda.
Kulanka hore ayaa dhex maray Guddoomiye ku xigeenada iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana looga hadlay sida loo wajahayo xaaladda ay dhalisay qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaaba kulanka oo saacado qaatay la sheegay in labada dhinac ay isla meel dhigeen qorshe lagu go’doominayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in kulan kale uu caawa dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo labada guddoomiye ku xigeen, iyadoo kulankaasi ay saddex mas’uul ee ugu sareysa guddoonka uga hadleen xaaladda ka dhex taagan, kadib qoraalkii lama filaanka ahaa ee Guddoomiye Mursal ku jebiyey qoraal uu hore u soo saaray Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey oo kala diray Guddiga Maaliyadda.
Xogta laga helayo ilo ku dhow xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya inuu ku adkeystay mowqifkiisa ah inay sii shaqeeyaan Guddiga Maaliyadda, iyadoo arrinta ugu weyn ee looga dooday kulanka Guddoonka Baarlamaanka uu ahaa sababta uu ula tashan waayey ku xigeenada oo uu keligii u goostay inuu qoraal soo saaro, kaasoo lidi ku ah go’aankoodii hore.
Ma jiro wax heshiis ah oo ay gaareen Guddoomiyaha Baarlamaanka oo dhinac ah iyo labadiisa ku xigeen oo dhinac kale kasoo jeeda, waxayna wararku sheegayaan inay lagu kala tegay, ayna labada ku xigeen ee C./weli Muudey iyo Mahad Cawad ay wadaan la-tashiyada madaxda sare, kadibna ay labadooda go’aan soo saari doonaan.
Guddoomiye Mursal ayaa u muuqda inuu qaatay dagaal uu la galo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, waxaase ka horeeya labadiisa ku xigeen, iyadoo laga cabsi qabo in guddoonka Baarlamaanku kala qeybsamo.