Wednesday, June 25, 2025

XOG: Shirqool yaab leh oo Musharax C/fataax Xasan Afrax looga reebay tartankii xildhibaannimada Beeshiisa

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo ka mid ahaa musharixiinta u taagan aqalka hoose ayaa shirqool la yaab leh loo dhigay si looga reebo tartanka.

Musharaxan oo kusoo baxay liiska musharixiinta u taagan kursiga Beesha Cali-Madaxweyne/Xawaadle ayaa mar qura laga waayay inuu kasoo xaadiro  goobtii doorashada shalay ka dhacday ee magaalada Jowhar.

Kursiga waxaa ku tartamayay sida ay shaaciyeen guddiga Doorashada musharixiinta kala ah:

1-Dahabo Xasan Axmed
2- C/fataax Xasan Afrax
3- C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe
4- Xasan Cali Cabdi
5- C/raxmaan Jimcaale Cusmaan

sanbaloolshe

Xogta ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Mushraxa C/fataax Xasan Afrax loo diiday inuu galo goobta Doorashada iyadoo lagu dalbaday ciidamadii ilaalada ahaa oo ka hor istaagay inuu gudaha u galo xarunta Doorashada inkastoo uu watay shahaadadii musharaxnimadiisa.

Arrintan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageersanaa C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe). Waxaa lagu tilmaamay shirqoolkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Jowhar, sidaasina Musharax C/fataax Xasan Afrax wuxuu ku waayay kursigii uu tartanka ugu jiray, inkastoo rajadiisa aanay markii horeba wanaagsaneyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON