Jawiga caasimadda Muqdisho ayaa mar kaliya xalay galay xaalad milateri iyo xiisad, kadib dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemay qaar ka mida degmooyinka Gobolka Banaadir.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Taliyihii hore ee Booliska G/Banaadir Jeneraal Saadaq Cumar ka guuray xaruntiisii hore ee u dhoweyd Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, isagoo degay xaafadda Shiirkole ee degmada Hodon.
Ciidamada dowladda oo fara badan ayaa degdeg loo geeyay degmada Hodon, iyadoo lagu sigtay inuu iska hor imaad ka dhex dhaco labada ciidan, waxaana amarka weerarka ka yimid Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin xaalad kale ayaa dhalatay.
Sarkaalka muuqda ee howlgalka loo diray ayaa ahaa Taliyaha dhowaan loo magacaabay Booliska G/Banaadir Farxaan Qaroole, waxaase jiray ciidamo kale oo ka mida milatariga Gorgor oo qorshaha weerar fulin lahaa.
Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir ayaa qaarkood diideen inay qeyb ka noqdaan howgalka taliyahoodii hore lagu qaadayo, waxayna qorshaha la wadaageen siyaasiyiin iyo xildhibaano, taasoo keentay in baraha bulshada ay u ekaadeen inuu dagaal ka socdo Muqdisho.
Dhammaan mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada Beesha uu kasoo jeedo Saadaq Joon ayaa Facebook u adeegsaday inay farriimo colaadeed diraan, qaarkoodna ku baaqaan in la difaaco Jeneraalka, lagana hortago duullaanka Farmaajo, iyadoo markii dambe gaaray in Nabadoonkii Beesha uu Facebook ka hadlo, isagoo toliiska ugu baaqay difaac.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee lala hadlay waxay sheegeen inay amar heystaan, ayna doonayaan in Saadaq Joon uu dib ugu laabto xaruntii uu ka guuray ee Garoonka Muqdisho, kana tago xaafadda Shiirkole, mana bixin wax sabab ah oo aan ahayn inay amar ka heystaan Maxamed Farmaajo.
Xiisadda, qeylo-dhaanta colaadeed io xiisaddii xalay jirtay waxaa barbar socday dadaal iyo waanwaan lagu doonayo in dagaalka la abaabulay lagu baajiyo, waxaana qeyb ka noqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo kulan ugu tegay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Xaaladda oo saameyn weyn yeelatay darteed, halista ka dhalatay baaqa dagaal ee Beesha Muqdisho iyo dadaalka nabadeed ee socday ayaa keenay in dowladdu la noqoto ciidamadii ay gurtay xaafaddaha Shiirkole iyo degaanada ku xeeran ee ay ku dooneysay inay ku weerarto Jeneraal Saadaq Joon.
Markii Farmaajo qasab ku noqotay inuu la noqdo ciidamadii weerrka ahaa, dibna loo celiyey ayaa hadalkii ugu horeeyay uu kasoo baxay mas’uuliyiinta dowladda ee kasoo jeeda Beesha Saadaq Joon, waxaana baraha bulshada inuusan dagaal jirin kusoo qoray wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-cadaalla, Saaka waxaa warbaahinta dowladda la faray inuu ka hadlo guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Cali Yare.
Saadaq Joon ayaa dib ugu laabanaya Gurigiisii uu ka guuray oo ahayd shardi ay wateen dhinaca Farmaajo, laakiin damaanad inaan la weerarrin ah la siiyey, laakiin ujeedka kale ay ku qarsoon tahay oo ah halis culus oo ay cabsi ka qabto kooxda Farmaajo in qeybo ka mida caasimada ay faraheeda ka baxaan.
Xiisadii xalay waa qabowday markii ay xaaladu ku adkaatay dowladda muddo kororsiga ku joogta ee uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin ma dhammaan damaca ah in xoog wax lagu maquuniyo, mar kastana waxay dadka Muqdisho ku jiraan cabsi ah in lagu dul dagaalamo.
