Iyadoo la hadal hayay in madaxda dalalka Kenya iyo Itoobiya ay ka baaqsadeen kasoo qeygalka xafladda caleemosaarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saacadihii ugu danbeeyay isbedel ku dhacay arrintaasi.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in madaxweyne Farmaajo uu saacadihii ugu danbeeyay ilaa xalay dadaal xoog leh u galay inay madaxdan kasoo qeyb galaan xafladiisa caleemosaarka, isagoo si toos ah ula xiriiray madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta.
Madaxweynaha Kenya oo hore dhambaal qoraal ah uga helay madaxweyne Farmaajo ayaysan taasi ku filnaan inuu ku qanco imaantinkiisa Muqdisho, taasoo keentay inuu toos ula xiriiro madaxweyneh Farmaajo kala codsado imaanshaha xafladiisa, taasoo uu aqalay subaxnimadii maanta.
Dhinaca kale dowladda Itoobiya oo ahayd tan ugu adag ayaa loo maray madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ku qanciyay ka qeybgalka xafladda Farmaajo.
Arrintan ayaa keentay in xaflada ay noqoto mid shidan, iyadoo laga badbaaday calaamad xun oo maqnaanshaha madaxdaasi dhalin lahay, waxaase xusid mudan in madaxweynaha Yuganda Yoweri Musaveni uu ka baaqsaday xafladda, isagoo soo diray wafi heer hoose.
Goobjooge.com