Monday, July 14, 2025

Xog Sir ah oo laga faafiyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga: “Jamal Kashqoqgi wuxuu ahaa Islaami halis ah” [Akhriso]

Dhaxalsuga Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa laga faafiyey war sir ah oo uu la wadaagay wiilka uu soddoga u yahay madaxweynaha Mareykanka, una ah la-taliye Jared Kushner, taasoo ku saabsan saxafiga Jamal Kashoqgi ee lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Maxamed Bin Salman ayaa u sheegay Jared Kushner in Jamal Khashoqgi uu yahay Islaami halis ah, kana tirsan ururka Akhwaanul Muslimiin, isagoo ugu baaqay Mareykank in arrinta saxafiga aysan waxba u dhimin xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo Sacuudiga.

Sida ay qortay jarirada Washington Post warkan ayuu dhaxal-sugaha Sacuudiga Telefoonka ugu sheegay la-taliyeyaasha madaxweynaha Mareykanka ee Jared Kushner iyo John Bolton intii aanu Sacuudigu qiran dilka Saxafiga oo ahaa muwaadin Sucuudi ah oo wax ku qori jiray Washington Post.

Arrintan ayaa sii kordhineysa tuhunkii laga qabay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu ka danbeeyay amarka lagu dilay ee jirkiisa lagu jarjaray saxafiga oo arrintiisa ay saameyn weyn ku yeelatay dunida oo dhan.

Qoyska Jamal Kashoqgi ayaa beeniyay eedeynta Maxamed Bin Salman, waxayna caddeeyeen inuusan weligiis noqon Akhwaan iyo islaami halis ah, iyadoo ay soo baxday kala duwanaanshaha wararka laga hayo Dhaxal sugaha Sacuudiga iyo dhaqankiisa kadib dilkii Saxafiga.

Hadalka sirra aha ee laga faafiyey Maxamed Bin Salmaan ayaa ah mid khadka telefoonka ku dhex maray isaga iyo la-taliyeyasha Madaxweynaha Mareykanka, kasoo dhacay  9-kii bishii Oktoobar 2018 oo ku beegan todobaad kaddib markii la waayay saxafiga Jamal Kashqoggi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON