Wednesday, July 9, 2025

XOG: Taliyaha Ciidamada Booliska oo xilalka ka xayuubiyay saraakiishii lasoo shaqeysay taliyihii hore

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu xilalka uga qaadayo saraakiishii ugu badneyd ee ciidamada booliska.

Taliye Saacid oo muddo laba toddobaad ah xilka haya ayaa iminka xilalkii ka qaaday in ku dhow 10 sarkaal oo isugu jiray taliyeyaal qeybeed iyo hoggaanada ciidamada Booliska, wuxuuna magacabay saraakiil ay saaxiibo ahaayeen.

Taliyaha cusub ee ciidamada Booliska ayaa xil ka qaadistiisu ay saameyn ku yeelatay inta badan saraakiishii saaxiibada la ahaa ee u dhowaa taliyihii hore Gen. Maxamed Sheekh Xaamud.

Mid ka mida xil ka qaadista ugu yaabka badan ee taliye Saacid ku dhaqaaqay ayaa noqotay inuu xilka ka qaado taliyaha waaxda miino-baarista Booliska oo ahaa khabiir dhinaca qaraxyada loo soo tababarray muddo sanado ah, waxaana uu xilkaasi u magacaabay sarkaal laga soo wareejiyay milateriga.

Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa iminka taliska booliska u bedelay gole ay saraakiil saaxiibo la ah ka taliyaan, waxaana uu dib u soo celiyay saraakiishii ay hore isu fahmeen inuu xilka taliyaha Booliska soo hayay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON