Tuesday, June 24, 2025

XOG: Turkiga oo haya Codad & Muuqaallo ku saabsan sida loo dilay Qoraagii Sacuudiga ee Jamal Kashoqgi

Sida ay qortay jariirada Washington Post Dowladda  Turkiga ayaa u sheegay dhiggooda dalka Mareykanka inay hayaan caddeymo maqal iyo muuqaal isugu jira oo ku saabsan in Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul lagu dilay qoraagii caanka ahaa ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi.

Muuqaallada iyo codadka laga duubay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul oo lagu waaeyay qoraaga markii uu galay duhurnimadii 2-da ibishan Oktoobar ayaa muujinaya in koox Sacuudiyaan ah oo laba  diyaaradood maalintaas ku tegay magaalada Istanbuul ay ka danbeeyeen dilka Jamal Kashoqgi.

Qaabka dilka u dhacay ayaa la sheegay in markii hore ay kooxdan su’aalo weydiiyeen qoraaga, kadibna ay jirdil kula dhaqaaqeen, ugu danbeyntiina  ay dileen, wixii markaas ka dambeeyayna ay jirkiisa jarjareen.

Codadka iyo muuqaallada dowladda Turkiga sheegay inay caddeyn u yihiin in sirdoonka Turkiga uu basaasi jiray Qunsuliyadda Sacuudiga, taasoo keentay inaan si rasmi ah loo shaacin caddeymahan, halka warar kale sheegayaan in codadka laga helay Saacad uu xirnaa Qoraaga.

Waxaa codadka la helay ay muujinayaan iyadoo la jirdilayo Jamal Kashoqgi iyo iyadoo su’aalo la weydiinayo, lamana oga in dowladda Turkiga ay caddeymahan la wadaagtay Mareykanka iyo in kale.

Sacuudiga oo cadaadisku ku soo kordhayo, isla markaana amarka dilka qoraaga la sheegay inuu bixiyay dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa ka codsatay Turkiga in Guddi wadajir ah oo baaritaan ay sameeyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON