Xog laga helay magaalada Baydhaba ayaa sheegeysa in waanwaan laga dhex waday dowladda Itoobiya iyo madaxweynaha Soomaaliya ay fashilantay.
Socdaalkii uu shalay ew madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tegay Baydhaba ayaa la sheegay in ujeedka ugu weyni ahaa wadahadal dhex mara saraakiil ka socday dowlada Itoobiya iyo Farmaajo.
Waxaa waanwaanta ku lug lahaa xubno ka tirsan Q/Midoobay iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in howlgaladda ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ay hagto dowladda Federaalka, taasoo ay Itoobiyaanku diideen, keentayna inaan la gudagelin wadahadalka intiisa kale.
Xiriirka dowladda Itoobiya iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ahaa mid liita, waxaana Itoobiya ay wadaa qorshe ay ciidamadeeda ugala baxeyso magaalooyin badan oo ka mida Koonfurta Soomaaliya.
Xaalad amni ayaa ka dhalan doonta qorshaha Itoobiya damacsan tahay iyadoo dhowaan ka baxday magaalada Ceelbuur oo ay la wareegeen kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com