Monday, July 14, 2025

XOG: Waanwaantii ugu danbeysay ee khilaafka Doorashada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kusoo biiray

Dadaal lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka ka taagan fulinta Doorashada dadban 2021 ayaa soo xoogeystay kadib dib u dhac hareeray hannaanka Doorashada ee lagu heshiiyey 17-kii September 2020.

Madaxda ururka Bulshada Rayidk ah ayaa kulan ay shalay la yeesheen Musharixiinta Mucaaradka ka dalbaday inay dhexdhexaadin ka galaan is-mari waaga ka taagan Doorashada. iyadoo ay aqbaleen Mushirixiinta, waxaana xaaladda kusoo biiray wakiilada Beesha Caalamka oo kulan ugu yeeray Musharixiinta Mucaaradka.

Madaxweynaha Somaaliya oo cadaadis badan uga yimid Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ogolaaday in wax ka bedel lagu sameeyo qaar ka mida Guddiyada Doorshada ee khilaafku ka taagan yahay, laakiin arrimaha ugu waaweyn ee la isk hayo ah arrinta Gobolka Gedo iyo tirada xubnaha laga bedelayo Guddiyada Doorashada.

Xilliga Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhammaanaya 27-ka bishan Disembar, waxaana gebi ahaan shaqeyn waayey jadwalkii doorashada ee hore loogu heshiiyay. Beesha Caalamka ayaa la filayaa inay cadaadis saarto dhinacyada is-haya si xal loogu helo din u dhaca ku yimid Doorshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON