Iyadoo maanta lagu waday inay dhacdo doorasho hal dhinac ah oo guddoon ku dooranayaan xubnaha Guddiga Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa waxaa dhinaca kale socda waanwaan lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Ra’iisal wasaare Rooble iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ku adkeystay inuu qabanayo Doorasho ay Guddiga Somaliland ku doortaan Guddoon cusub markii uu baabi’iyey guddoonkii hore oo laba dhinac loogu kala jabay, wuxuuna u hanjabay xubnaha uu magacaabay Cabdi Xaashi, taasoo keenay inay eedeyn ba’an uga timaado dhinaca garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Xubno ay ka mid yihiin madaxweyneynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa si toos ah arrintan ugala hadlay Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana socda dadaalladii ugu danbeeyay oo lagu doonayo in xal loogu helo arrintan.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in qorshuhu yahay in doorashada ka hor la isku waafaqo awood qeybsi gudaha guddiga ah oo labada garab ay kala qaataano Guddoomiye dhinac ah iyo Guddoomiye ku xigeen iyo xogheyn dhinaca kale ah.
Madaxda arrintan ku jirta ayaa waanwaantii ugu danbeysay ugu jirta in Rooble lagu qanciyo inuu ka tanaasulo awood adeegsiga iyo ku socoshada doorashada aan lagu heshiin, kadib markii wax aan suuragal ahayn lagu tilmaamay inay doorasho ku kala baxaan 7 xubnood oo dhinac ah 4 xubnood oo dhinaca kale ah.
