Madaxweynayaasha maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa fadeexad ka raacday kadib markii ay ka hor yimaadeen in guddoomiyaha G/Banaadir uu ka qeyb galo shirka madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada uga furmay Muqdisho.
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee arrintan ka hadlay kadib furitaankii shirka ee 29-ka Bisha Oktoobar oo ay keli ku ahaayeen madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul Goboleedayda oo uu wehliyo Guddoomiyaga G/Banaadir ayaa soo jeediyay, kana codsaday in Guddoomiyaha G/Banaadir uu shirka ka baxo isagoo raali ah, maadaama madaxda maamullada ay doonayaan inay si gaara ula xisaabtamaan madaxda dowladda Federaalka oo ay dood kala dhaxeyso.
Markaas kadib ayaa waxaa hadalkii qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo sheegay in isagu u shaqsi ahaan jeclaa in guddoomiyaha Gobolka Banaadir qeyb ka ahaado shirka, balse uu ogyahay dareenka ay qabaan saaxiibadiis (Gaas & Axmed Madoobe) sidaas darteed ay haboon tahay in Guddoomiyaha G/Banaadir uu shirka ka haro.
Labada madaxweyne ee Hirshabeelle iyo Galmudug oo ah labada maamul ee ugu dhow G/Banaadir, lagana filayay inay xuquuqdiisa u doodaan ayaa noqday kuwo loo adeegsaday inay ka hor yimaadaan, arrintaas oo loo arkay mid ay u soo wakiisheen saaxiibadood kale oo aan dooneyn in si kale loo arko, qodobkaasina ka gaabsaday inay ka hadlaan.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isagu istaagay mowqif cad, wuxuuna sheegay inuusan raali ka ahayn in shirka laga saaro maamulka G/Banaadir iyo guddoomiye Taabit, isagoo taageeray inuu ka qeyb galo shirka.
Inkastoo aanay madaxda maamullada Jubba iyo Puntland arrintan ka hadlin ayaa waxaa hadalkii boobay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed oo halkaasi ka jeediyay hadal xaaladda wax ka bedelay oo ay la wada aamuseen madaxdii maamul Goboleedyada oo keenay inuu rasmi ahaan shirka uga mid noqdo.
HOOS KA AKHRISO WARKII GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR
KASHIFAAD: Jawaabtii Guddoomiye Taabit ee Gilgishay Madaxda Maamul Goboleedyada [Shirka Muqdisho]