Waxaa mar kale socda dadaal loogu jiro in lagu qanciyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) oo xil ka qaadistiisa muddo laba bilood ku dhow miiska saarneyd.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Sanbaloolshe dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu xiriir dhex maray isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan la filayaa inay ka wadahadlaan sidoo loo dhammeyn lahaa xil ka qaadistiisa.
Sanbalooshe ayaa si degdega oo 19-kii bishan May dib ugu laabtay furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan xilli la filayay in lagu dhawaaqo xil ka qaadistiisa, taasoo keenay inuu dib u dhac kale ku yimaado, waxaana weli socda dadaalka lagu doonayo in la qanciyo.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Sanbalooshe uu si adag u diiday xilal kale oo loo bandhigay in loogu bedelo xilka laga qaadayo ee Hay’adda NISA, balse kulamada ugu danbeeya ee dhex mari doona Madaxweynaha aya go’aamin doona inuu lasii shaqeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inuu mucaaradka ku biiro.
Xil ka qaadista Hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ilo Madaxtooyada ka tirsan noo sheegeen inay ku timid shaki ku yimid kalsoonidii Madaxweyne Xasan Sheekh ku qabay Sanbaloolshe, kadib dhacdooyin xiriir ah oo amni iyo siyaasadeed, taasoo ugu danbeyn sababtay inuu Madaxweynuhu ku aamini waayo xilka muhiimka ah ee NSIA.
Sida la ogyahay agaasimihii xilka laga qaaday ee Mahad Salaad ayaa mar kale la filayaa in dib loogu magacaabo Hay’adda NISA, taasoo dad badan la yaab ku noqotay, balse Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka fursan waayay.
Â