Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta lagu wadaa inuu xilka isaga casilo, si uu ugu tartamo xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.
Wasiir Mursal ayaa si weyn uga cago jiiday is-casilaadda lagu qasbay, waxayna wararku sheegayaan inuu qoraal is-casilaad ah u gudbinayo Ra’iisal wasaare Kheyre maanta isagoo rajo badan ka qaba inuu xilkan ku guuleysto.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Wasiir Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan uu taageero ka heysto Ra’iisal wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna noqonayaa wasiirkii labaaad iyo xubintii 4aad ee iska casisha xilka xukuumadda Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa la sheegay inay heysato xaalad ka dhalatay wasiirada iska casilay xukuumadiisa, isagoo raadinaya qorshe qofkii ku guuleysan waaya xilka guddoomiyaha Baarlamaanka uu dib ugu laaban karo xukuumadda.
Guddiga Doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey inay maanta ku egtahay qabashada araajida musharixiinta xilka u taagan.