Golaha Wasiirada xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa xilalkoodii ku waayey 12 wasiir oo u badan wasiiradii saaxiibada la ahaa Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Qaar ka mida wasiirada xilalka waayey ayaa saaxiibo la ahaa Madaxweynaha, kuwaasoo si lama filaan xilalka ku waayey, waxaan ugu wacnaa sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin awood isbedel qeybsi iyo isku dhac:
HOOS KA AKHRISO WASIIRADA XILALKII LAGA QAADAY IYO SABABTA:
Wasiirka Arrimaha Gudaha: Cabdi Maxamed Sabriye, wuxuu ku baxay awood qeybsi, waxaana u dheer inuu ahaa mid ka mida saaxiibada ugu dhow Ra’iisal wasaarihi hore oo mar kasta uu xilka weyn lahaa.
Wasiirka Amniga Gudaha: Maxamed Abuukar Islow Ducaale, wuxuu ka mid ahaa saaxiibada aadka ugu dhow Ra’iisal wasaarihii hore, isagoo si cad uga hor yimid qaabkii kalsoonida loogala noqday xukuumadii hore.
Wasiirka Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada: Eng. Cabdi Canshuur Xasan, wuxuu eersaday inuu saaxiib la ahaa Xasan Kheyre, sidaaaso ay tahayna ma xumeyn xiriirka kala dhaxeeyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin waxaa lagu bedelay xildhibaan ka mida ahaa xisbiyada mucaaradka.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha: Saadiq Warfaa Xersi ayaa ka mida wasiirada xilalka looga qaadya inay isu dhowaayeen oo uu saaxiib la ahaa Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta: Shiikh Nuur Maxamed Xasan, inkastoo aanu saaxiib weyn la ahayn Ra’iisal wasaarihii hore, haddana wuxuu ka mid noqday xubno yar oo ka biyo diiday qaabkii kalsoonida loogala noqday xukuumadii uu ka midka ahaa.
Wasiirka Gaashaadhiga: Xasan Cali Maxamed, wuxuu ka mid ahaa wasiirada taageersan madaxweynaha ee ka qeyb qaatay ridista xukuumadii uu ka tirsanaa, laakiin waxay nasiibdarradu uga dhacday inay xilkiisa isku qabsadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo rag cusub keensaday.
Wasiirka Waxbarashada C/laahi Goodax Barre: Wuxuu ka mid ahaa wasiirada sida weyn ugu xiran Madaxweyne Farmaajo, laakiin waxaa la yaab noqotay in laga reebo xukuumadda, taasoo loo aaneynayo inuu dalka uga maqnaa arrimo caafimaad iyo beesha uu kasoo jedo oo culeys saartay madaxweyne Farmaajo.
Wasiirka Warfaafinta: Maxamed Cabdi Maareeye, waa wasiir kale oo saaxiib la ahaa madaxweynaha, balse daadku la tegay, isagoo ku baxay markii uu la yimid damac ka weyn Wasiir, ayna isku dhaceen saaxiibka Madaxweynaha ahna Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha: Eng, C/llaahi Cali Xasan wuxuu xilka ku waayey, isagoo taageero ka waayey beeshiisa, kadibna Madaxweyne Farmaajo uu u bedelay mid ka mida Shaqaalaha Madaxtooyada.
Wasiirka Howlaha guud iyo Guryeynta: Xasan Cabdi Xooshow ayaa ka mida wasiirada badan ee xilalkooda waayey Beesha uu kasoo jeedo, markii awood qeybsi iyo kala bedelid ay ka dhacday beesha gudaheeda.
Wasiirka Tamarta iyo Biyaha: Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa sidoo kale ka mida Wasiirada awood qeybsiga ku baxay, iyadoo horena aan taageero uga heysan madaxda sare ee Beesheeda.
Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka: Deeqa Yaasiin Xaaji, waxayna xilkeeda ku weysay iyadoo diyaar u ahayd xil ka qaadis, kadib muran ka dhashay sharaci ay Baarlamaanka geysay iyo mashaariic ay maamushay.
