Thursday, June 26, 2025

XOG: Wasiiro & xildhibaano K/Galbeed ah oo lala beegsaday weerarkii Hotel Dayax [Magacyada Mas’uuliyiinta ka badbaaday]

XOGAHA GOOBJOOGE.COM

Xog dheeraad ahaoo laga helayo weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu weerarku ku soo beegmay shir xasaasi ah oo Hotelka ka dhici lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in shirka Hotelka ku lahaayeen Wasiiro, xildhibaano, Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyadoo ay hotelka deganayeen odayaal dhaqameed badan.

Xildhibaan C/casiid Lafta-gareen iyo saddex xildhibaan oo kale ayaa laha badbaadiyay Hotelka sida warar ku dhowdhow ay sheegaan, waxaana dagaal xoog leh la galay maleeshiyada weerarka soo qaaday ilaalada Hotelka oo si weyn u difaacay hotelka, taasoo yareysay qasaare ka dhex dhacda dadkii ku sugnaa gudaha Hotelka.

Masuuliyiinta la xaqiijiyay inay Hotelka Dayax ku sugnaayeen xilliga weerarka waxaa ka mida: Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed C/raxmaan Sate, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Koofur Galbeed Aaden Xasan Maxamed, Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Fareey, Xildhibaan Carte Xildhibaan C/laahi  Black iyo xubno kale oo fara badan kana soo jeeda Koonfur Galbeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Hotelka lagu waday in maanta lagu qabto olole doorasho oo lagu taageeri lahaa mid ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha.

AKHRISO: Malaaqyada K/Galbeed ee dhimashada & dhaawaca ka soo gaaray weerarkii Hotel Dayax 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON