Saturday, October 8, 2022

XOG: Xaaladda Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha iyo Ganacsigii oo loo xiray Amarka ka yimid Daacish..!

Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee ugu weyn magaalada Muqdisho iyo Geeska Afrika ayaa cakiran, kadib markii qeybo badan oo ka mida Suuqaasi loo xiray amni darro.

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa u xirmay amar ka yimid kooxda Daacish oo lacago baad ah kusoo rogtay ganacsatada suuqaasi, taasoo keentay in amni darro iyo cabsi darteed u xirmaan goobihii waaweynaa ee Ganacsiga.

Ganacsatada qaarkood ayaa u sheegay warbaahinta inay u xireen ganacsigooda hanjabaadyo uga imaanaya kooxo sheeganaya inay yihiin Daacish oo telefoono kula soo hadlaya ganacsatada, farriimo toos ah iyo qabaab kale, ayna waayeen qaab ay ula xiriiraan, iyadoo qaarkood kasoo hadlayaan Gobolka Bari.

Ad

Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay lacag dhan 30% inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo, wxayana beegsanayaan Bakhaarlayaasha, Carwooyinka iyo shirkadaha.

Daacish ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeysay qarxinta laba gaadiid oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo dhowaan ka dhacay suuqa Bakaaraha iyo Xaafadda Tabakaayo Madow, kadib markii ay diideen inay lacag baad ah siiyaan kooxdaasi.

Amniga Suuqa Bakaaraha ayaa sii xumaaday markii la sheegay inay Bishii Disembar 2021, isaga baxeen ciidamdii Dharcadka NISA, waxaana la sheegay inay ku dhex jiraan xubnaha Alshabaab iyo Daacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON