Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa Berri laga sugayaa inay hortagto Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hore u go’aamiyey inay 27-ka June warbixinteeda ka jeediso Golaha.
Warbixinta la wada sugayo ee Xaliimo Yarey kun saabsan qabsoomida doorashada 2020/21 ayaa waxaa ku hor gudban Xeerka Metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare oo isna cod loo qaadayo iyadoo aanay xildhibaannada heshiis ku ahayn oo muran badan ka taagan yahay, wadahadallo hoose iyo kulamo ilaa caawa socdayna aan lagu xalin dhammaan arrimaha la isku hayo.
Dhinaca kale Xaliimo Yareyn oo dhowaan Golaha Wasiirada Guddi ka tirsan u sheegtay inay Doorashada u baahan tahay lacag dhan 70 Milyan oo Doolar oo kaliya laga hayo 11 Milyan oo Dollar ayaa xiriir fiican la leh Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo olole u sameeyay, iyadoo la tuhunsan yahay inay muddo kororsi ku heshiiyeen.

Guddooonka Baarlamaanka ayaa iska wada qorshe hoose oo uu meesha uga saarayo Aqalka Sare, isla markaana ku maroorsanayo awoodii labada Aqal, kadib markii Aqalka Sare ka baxay qorshaha Madaxweynaha ee ay la wadaan guddoonka Baarlamaanka.